Rooble oo Guddi Wasiiro u magacaabay dhacdadii Madaxtooyada

Iyada oo la fulinayo go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir, kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27-kii December la isku dayay in lagu afgembiyo Xafiisyada Ra’iisal Wasaaraha iyo Xarunta Golaha Wasiirada ee Xukuumadda.

Guddiga Wasiirada ayaa kala ah:-

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka gaashaandhigga Guddoomiye.
2- Cabdullaahi Maxed Nuur, Wasiirka Amniga Gudaha.
3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Waxbarashada.
4- General Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud.
5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigan in ay baaristooda ku soo geba-gabeeyaan muddo toddobaad ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com