Taliska NISA oo lagu amray in ciidamada kala baxaan Garoonka Aadan Cadde

Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa Taliyaha KMG ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) ku amray in Ciidanka NISA ka soo saaro Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Warqad uu ku saxiixnaa Wasiirka Amniga ayaa lagu sheegay inay soo bateen cabashooyinka ay Hay’adaha Dowladda ka soo gudbinayaan ciidamadaasi.

“Ka dib markii ay bateen cabashooyinka ay ka soo gudbiyeen Hay’adaha Dowladda ee ka hawlgala gudaha garoonka Ciidamada NISA oo ku kaca xadgudubyo isugu jira gacan-qaad iyo handadaad joogto ah, lehna caddeymo buuxa.” Ayaa warqadda lagu sheegay.

Sida warqadda lagu sheegay in Ciidanka Booliska ayaa la amray inay la wareegaan masuuliyadda amniga ee garoonka, iyagana lagula xisaamtami doono wixii amniga khuseeya.

“Waxaa la go’aamiyay, lana farayaa in guud ahaan amniga garoonka uu la wareego Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana lagula xisaabtamayaa Saldhigga Garoonka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo keliya masuuliyadda amni ee garoonka, wixii ka dambeeyay 2da Janaayo 2022.” Ayaa lagu sheegay warka warqadda.

Warqadda ayaa lagu sheegay “Sidoo kale waxaa la go’aamiyay in dib looga celiyo dhammaan Taliska iyo Ciidanka NISA ee ka howlgala gudaha garoonka, laga bilaabo 2-da Janaayo 2022.

Haddaba waxaa la farayaa Kusimaha Hay’adda NISA in uu ku wareejiyo dhammaan masuuliyadda amni ee ay horey gacanta ugu hayeen Ciidanka NISA si buuxda Ciidanka Booliska, dibna ula soo laabto dhammaan Taliska iyo ciidanka ka hawlgala gudaha garoonka, mana jirto wax ciidan oo NISA ah oo ka hawlgelaya ama hub la geli kara gudaha garoonka, marka laga reebo ciidamada ku sugan xarumaha amniga ay ku leeyihiin Ciidanka Waran iyo Gaashaan ee gudaha garoonka.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com