Faah faahin: Gaari la eryanayay oo ku qarxay Magaalada Muqdisho

Faah faahino ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo xalay ka dhacay Isgoyska Baar Ubax ee Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliska oo eryanayay gaarigaasi oo hal nin uu la socday ayaa si kedis ahayd ugu qarxay isgoyskaasi, iyadoona uu ku dhintay wadihii gaarigaasi, halka laba qof oo waddada marayayna ay ku dhaawacmeen.

Gaarigan oo noociisu ahaa Harrier ayaa qaraxa ka dib waxaa qabsaday dab xoogan, Shaqaalaha Dab Demiska oo goobtaasi gaaray ayaana baqtiiyay dabkaasi.

Najiib Cabdi Abiib (Najiib Carab), Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada Howlwadaag ayaa sheegay in gaariga uu xoog kaga soo gudbay Kontoroolka Ciidamada Booliska ay ku leeyihiin Isgoyska Carwo Iidko, ka hor inta aanu ku qarxin Baar Ubax.

Taliyaha ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka (SONNA) u sheegay in ciidamadu ay eryanayeen gaarigaasi, markii uu qarxayay.

Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka ag-dhawaa goobtaasi ayaa sheegay inuu arkay meydka ninkii gaariga waday oo si xun u gubtay iyo dhaawaca laba qof oo shacab ah oo waddada marayay.

Qaraxan ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay ee sanadkan bilowga ah ka dhaca Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com