Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caweyskii caawa Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweyne-yaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.
Dhinacyada ayaa yeeshay kulan ay ugu gogol-xaarayeen Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, ee maalmaha ina soo aaddan lagu wado in uu ka furmo Caasimadda Muqdisho.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayay tahay in lagu dardargeliyo, laguna soo dhameystiro doorashada uu daaha badan raggaadiyay.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo 26-kii December qaaday shirkaasi ayaa waxaa xalay la arkayay, iyadoo ay laabta is gelinayaan Ra’iisal Wasaare Rooble.









Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com