Shariif Sheekh Axmed oo Muqdisho kula kulmay James Swan

Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii waxa uu Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergayga Gaarka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Somaliya, Amb. James Swan.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in James Swan ay ka wada hadleen xal u helidda caqabadaha hortaagan dardargelinta doorasho daahfuran oo sida uu yiri natiijadeeda lagu wada qanci karo.

“Waxaan la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Danjire James Swan, waxaana ka wada hadalnay xaaladda siyaasadeed ee dalka, xal u helidda caqabadaha hortaagan dardargelinta doorasho daahfuran oo natiijadeeda lagu wada qanci karo.” Ayuu Shariifku ku sheegay bartiisa xiriirka bulshada.

James Swan ayaa Magaalada Muqdisho ka wada kulamo uu la qaadanayo daneeyeyaasha siyaasadda ee dalka, isagoo markaasi kala hadlaya xaaladda ka dhalatay khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka, ee dib u dhaca ku keeni karta doorashada waqtigeeda dhaaftay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com