Ra’iisal Wasaarihii Suudaan, Abdalla Hamdok oo is casilay

Ra’iisal Wasaare Abdalla Hamdok ayaa saqdii dhexe ee xalay ku dhaawaqay is casilaadiisa, lix toddobaad uun ka dib, markii heshiis muran badan dhaliyay uu la galay militariga.

Militariga ayaa 25-kii bishii October afgembiyay Xukuumadda Abdalla Hamdok. Dadaalo ay sameeyeen Beesha Caalamka iyo bannaanbaxyada dalkaasi ka socda ayaa keentay in militarigu uu bishii November dib u soo celiyo xukuumadaasi.

Khudbad uu Ra’iisal Wasaaruhu u jeediyay shacabkiisa ayuu ku sheegay inuu juhdi ku bixiyay, sidii uu wax uga qaban lahaa xaaladda adag ee dalkaasi ka taagan, ha yeeshee aanay u suurtagelin.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay heshiis cusub oo Suudaan ay uga gudubto xaaladda cakiran, uguna gudubto sida uu yiri xaalad dimoqraadiyadeed.

“Waxaan go’aansaday inaan ku dhawaaqo is casilaadayda, oo aan meesha u banneeyo rag ama dumar oo ka tirsan dalkan baaxadda weyn, si uu u sii wado ama ay u sii wado hoggaanka dalkayna aan jecelnahay, waxaan isku dayay intii karaankayga ah in aan dalkan ka badbaadiyo masiibo.” Ayuu yiri Abdalla Hamdok.

Abdalla Hamdok ayaa qayb ka ahaa dowlad wadaag ah, oo ay wada maamulayeen militariga iyo rayidka dalkaasi, ee hormuudka ka ahaa kacdoonkii xukunka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Omar Hassan Al-Bashir.

Ra’iisal Wasaare Hamdok oo khudbadiisa laga sii daayay Telefishinka Qaranka ayaa yiri “Dalkan Suudaan maanta waxa uu marayaa xaalad halis ah oo khatar ku ah jirintaankiisa, marka la eeggo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya militariga iyo rayidka qaybta ka ah Maamulka KMG ee dalkan.”

Hamdok ayaa intaasi ku daray “Waxaan ku dadaalay intii awoodayda ah in heshiis la gaaro, si loo fuliyo ballanqaadyadii aan u sameynay dalkayna, sida arrimaha nabadgelyada iyo in laga baaqsado in dalkani uu dhiig ku daato, laakiin taasi maynaan dhicin.”

Is casilaadiisa waxay imaanaysaa, xilli bannaanbaxyo waaweyn oo xukunka militariga looga soo horjeedo ay Axaddii shalay ka dhaceen dalkaasi. Bannaanbaxyadan ugu dambeeyay ayaa galaaftay nolosha laba qof oo shacab ahaa, oo ciidamadu ay ku dileen Magaalada Omdurman.

Tan iyo intii ay dibadbaxyadu dib uga soo cusboonaadeen dalkaasi, bishii October ayaa waxaa ku dhintay 57 qof, halka boqolaal kalena ay ciidamadu dhaawaceen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com