Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay weeray dad ku dhinteen ka gaystay Gobolka Xeebta ee Kenya.
Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Widhu oo dhinaca galbeed kaga toosan Ismaamulka Lamu, sida ay masuuliyiinta ismaamulkaasi u sheegeen Warbaahinta.

Gudoomiyaha Lamu, Irungu Macharia ayaa sheegay in lix qof lagu dilay weerarka ka dhacay Widhu, mid kalena lagu dhaawacay.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Ciidamada Booliska ay ku daba jooggaan maleeshiyadii weerarka ka gaysatay deegaankaasi.
Dhanka kale Ururka Al Shabaab ayaa caawa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi, sidoo kale waxay sheegeen in lixda qof ee weerarka lagu dilay uu ku jiro Gudoomiyihii deegaanka Widhu.
Idaacadda afka Shabaabka ku hadasha ee Andalus ayaa sheegtay in xoogaga ka tirsan Al Shabaab ay dab qabadsiiyeen guriga Gudoomiyihii deegaankaasi.
Shabaabka ayaa dhowr jeer oo hore weeraro dad badani ku dhinteen ka gaystay gudaha Kenya, ka dib markii Ciidamada Militariga Kenya ay gudaha u soo galeen qaybo ka mida Gobolada Koonfureed ee dalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com