Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo ay ka qaybgelayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Madasha shirka ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne-yaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
War qoraala oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in shirka diiradda lagu saari doono arrimaha amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo geba-gabeynayo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.
“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Wadaatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saarayo amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo Doorashada Golaha Shacabka BFS.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.












Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com