Dagaal khasaare sababay oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Qof rayid ah ayaa ku dhintay, saddex ka tirsan ciidamada Gorgor waa ku dhaawacmeen kadib markii dagaalka u dhaxeya Ciidamada Booliska iyo kuwa Gorgor uu ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, sida ay VOA u xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ahaa.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa soo kala dhexgalay dhinacyada dagaalamy, waxaana degan xaaladda Dhuusamareeb, saacadihii ugu dambeeyay.

Dagaalka u dhaxeya Ciidamada Booliska iyo kuwa Gorgor ayaa yimid kadib howlgal ciidamada booliska ay ka wadeen magaalada Dhuusamareeb, kaas oo looga gol lahaa la dagallanka mandoriyaha.

Ciidamada Gorgor ayaa sida ay wararku shegayaan ka hor yimid hawlgalka Ciidamada Booliska ay wadeen, sidaasna uu ku bilowday isku dhaca labada ciidan.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo goor dambe ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in is fahan-waa soo kala dhexgalay ciidamada uu sababay iska horimaadkaasi.

Dagaalka ayaa saamayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee magaalada iyo weliba isku socodkii dadka iyo gaadiidka, xaaladda ayaana markii dambe ku soo laabatay mid caadiya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com