Xubno ka socday Golaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Golaha Wadatashiga Qaran.
Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hoggaaminayay Golaha Wadatashiga ayaa Midowga Musharaxiinta kala hadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka
War ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Golaha Wadatashiga ay Midowga Musharaxiinta ka dhageysteen talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada.
Midowga Musharaxiinta ayaa bishii December si weyn uga horyimid qaabka ay ku socotay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, taasoo sida ay sheegeen aanay aqbali karin habka loo maamulayo kuraasta lagu tartamayo.















Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com