James Swan “Golaha Wadatashiga waa awoodda dhaqaajineysa doorashadda”

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan ayaa sheegay inay taageerayaan Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii 2aad ka socda Magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in shirku yahay fursad lagu hagaajinayo cabashooyinka laga qabo Doorashada Golaha Shacabka.

“Waxaan garwaaqsanahay in khaladaad badan oo dhanka habraac ah lagu arkay Doorashada Golaha Shacabka ee illaa hadda la qabtay. Waxaan ku boorinayna Golaha Wadatashiga Qaranka in shirkan ay kaga faa’ideystaan sixitaanka ciladahaas, si doorashaddu ay u noqoto mid hufan oo lagu kalsoonan karo.” Ayuu yiri James Swan.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayaa lagu sheegay “Golaha Wadatashigga Qaran waa inay dejiyaan jadwalka lagu dhameystirayo doorashadda, oo ah mid suuragal oo dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada ay si dhab ah uga go’an tahay”.

“Waxaan sii wadayna taageerada Golaha Wadatashiga Qaran, si loo dhaqangeliyo heshiisyadii 17-kii September 2020 iyo 27-kii 27-kii May 2021. Waxaan u aragna in goluhu yahay mashiinka iyo awoodda ugu weyn ee dhaqaajineysa hannaanka doorashadda, mana taageerno gole kale.”

Warka James Swan ayaa imaanaya, xilli maanta Golaha Wadatashiga Qaran ay Magaalada Muqdisho kula kulmeen Wakiilada Beesha Caalamka, ayna ka wada hadleen dardargelinta doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com