Wasiir Cabdisaciid oo teleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta khadka teleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Finland, Pekka Haavisto.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dheef wadaagga ee ka dhaxeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya.

Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Dowladda Finland uga mahadceliyay taageeradeeda ku aaddan Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com