Beelihii ku dagaalamay Saax-maygaag oo xabad joojin aqbalay (SAWIRRO)

Puntland ayaa heshiis xabad joojin ah kala dhex dhigtay laba beelood oo walaalo ah, oo ku dagaalamay deegaanka Saax-maygaag ee Gobolka Sool.

Maleeshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda Gobolada Sool iyo Nugaal ayaa ku dagaalamay deegaankan, iyadoo ay ku dhinteen illaa labaatan qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), xubno ka tirsan Laba Gole ee Puntland iyo Odayaal Dhaqameedyo oo ku sugan deegaankaasi ayaa heshiis xabad joojin ah kala dhex dhigay labadaasi beelood.

Wejiga labaad ayaa noqon doono in labada ciidan la kala qaado, si fursad loo siiyo dadaalo ay tahay in dhinacyadaasi lagu heshiisiiyo, xal kama dambeys ahna colaadda looga gaaro.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah Salaadiinta ku sugan deegaankaasi ayaa dhinacyada ugu baaqay wixii tabasho ah in lagu dhammeeyo miiska wada hadalka.

Saax-maygaag waxaa ku soo noqnoqday dagaalka u dhaxeeya dadka xoolo dhaqatada, ee salka ku haya daaqa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com