Ciidanka Kumaandoska Danab ayaa maanta hawlgal ka sameeyay deegaanka Gamboole, oo dhinaca galbeed kaga beegan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamada ayaa la sheegay inay deegaankaasi ku baxeen, ka dib markii la sheegay inay yimaadeen xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.
Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, G/dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) ayaa sheegay in hawlgalku ahaa mid lagu baacsanayay Shabaabka.
Taliyaha oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa tilmaamay in hawlgalka lagu dilay shan ka mida Saraakiisha Ururka Al Shabaab.
Taliyaha ayaa sheegaya in hawlgalkan uu qayb ka yahay guluf ballaaran, oo Shabaabka lagaga sifeynayo Gobolka Shabellaha Dhexe.
Gamboole waxay ka mid tahay deegaanada Gobolka Shabellaha Dhexe ee in muddo ahba ka arrminayeen maleeshiyada Al Shabaab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com