Sarkaal ka tirsan Shabaab oo lagu soo bandhigay Gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa deegaanka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka Baay ku soo bandhigay Sarkaal ka soo goostay Ururka Al Shabaab.

Abshir Cabdiraxman Cabdi ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Taliska Qaybta 60aad, ee fadhigoodu yahay deegaanka Goof-gaduud Buurey oo hoos-tagta Magaalada Baydhabo.

Abshir Cabdiraxman ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in muddo laba sano ah uu ka tirsanaa maleeshiyada Ururka Al Shabaab, uuna u qaabilsanaa dhanka Xisbada.

Sababta uu xilligan uga soo goostay Shabaab ayuu ku sheegay inuu u adkeysan kari waayay dhibaatada iyo go’doominta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ninkan ayaa ciidamada la soo xiriiray, ka hor inta aanu isu soo dhiibin, isagoo ku hubeysan qori AK47 ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com