Shirka Golaha Wadatashiga oo galabta natiijo la’aan ku soo dhammaaday

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maalintii 4aad ku soo geba-gaboobay Magaalada Muqdisho, xilli dhinacyadu aanay weli wax xal ah u helin arrimaha laga doodayo.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo shirku uga socday Xerada Afisyooni ayaan maalintii 4aad wax is garad ah ka gaarin qodobada ay ka doodayaan.

Madaxda ayaa dood adag ka yeeshay cidda ka masuulka ah arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka, qodobadaasi ayaana u muuqday kuwo ay dhinacyadu ku kala qaybsameen.

Wararka ayaa sheegaya in dhinacyadu ay habeen dambe isugu imaan doonaan shir kale, oo ay kaga sii hadli doonaan labada qodob ee weli miiska saaran.

Inkastoo dhinacyadu ay ku fashilmeen in ay xal u helaan cabashooyinkii ay soo jeediyeen Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka ee ahayd in wax laga qabto, haddana Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda, Cabdirxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa shirka ka dib waxa uu galabta Warbaahinta u sheegay in ay sii socon doonaan doodda ku aaddan arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Wasiir Kuxigeenka ayaa xusay in shirka uu si xasillooni ah ku soo dhamamaaday, isla-markaana aanu jirin wax is fahan-waa ah oo dhinacyada soo kala dhexgalay.

Alcadaala ayaa tilmaamay in shirka uu Muqdisho ka sii socon doono maalmaha ina soo aaddan, illaa iyo inta xal kama dambeys ah laga gaarayo.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ee iyagu taageersan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeynaya inay caqabad ku noqdeen dardargelinta wada hadalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com