Xoogga Dalka oo hawlgal ka sameeyay waddada Jowhar & Balcad

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta hawlgal ka fuliyay waddada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidanka Guutada 3aad ee Qaybta 27aad ee hawlgalka ka fuliyay qaybo ka mida Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Hawlgelinta Guutada 3aad, Gaashaanle Ismaaciil Kuulow Tuure.

Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalkan laga sameeyay deegaanada Gololey, Daa’uud Cadayga, Moora-jiido, Jeedda Saarsaare iyo Gumeerey, waxaana hawlgalkan barbar socday mid kale oo miinooyinka lagaga saarayay waddada isku xirto Jowhar iyo Balcad, oo sida uu Taliyuhu sheegay ay horey ugu aaseen maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in hawlgalku ahaa mid lagu baacsanayay waxa uu ugu yeeray nabadiidka Al Shabaab.

Hawlgalkan mid ka horeeyay waxay Ciidanka Kumaandooska Danab ka sameeyeen deegaanka Gamboole, oo dhanka galbeed kaga toosan Magaalada Jowhar.

Halwgaladan waxay imaanayaan, toddobaad ka dib weerarkii ballaarnaa ee Shabaabku Khamiistii hore ku qaadeen Balcad, muddo koobana ay gacan ku haynteeda kula wareegeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com