Dowladda Ruushka ayaa laba kun iyo shan boqol (2,500) oo askari u dirtay dalka Kazakhstan, si ay u xakameeyaan bannaanbaxyada looga soo horjeedo dowladda ee ka socda magaalada ugu weyn dalkaasi ee Almaty.
Xaaladda Magaalada Almaty ayaa xalay cirka isu sii shareertay, ka dib markii ay ka dhaceen qulqulooyin horseeday inay xirmaan wadooyinka, goobaha ganacsiga iyo bankiyadaba.
Muddada toddobaadka dhow ee bannaanbaxyada ka sii socdaan dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay tobanaan qof oo askar iyo rayidba leh. 700 oo ka mid ah ciidamada ammaanka ayaana la sheegay inay qulqulooyinkaasi ku dhaawacmeen.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in illaa laba kun oo qof loo soo xiray dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda, oo ka dhashay sicir barar daran oo ku yimid qiimihii shidaalka.
Madaxweynaha Kazakhstan, Kassym-Jomart Tokayev ayaa rabshadaha ka socda dalkiisa waxaa uu ku eedeeyay ‘burcad argagixisio ah’.
Madaxweynaha ayaa Arbacadii isbahaysiga ammaanka ee Ruushka uu hoggaamiyo ka codsaday in ay dowladdiisa ka gacan siiyaan, sidii gacan bir leh loogu adeegsan lahaa bannaanbaxayaashaasi.
Isbahaysiga CSTO ayaa waxaa xubno ka ah dalalka Ruushka, Kazakhstan, Tajikistan, Kyrgyzstan, Armenia iyo Belarus.
Wakaaladda Wararka Ruushka ee RIA ayaa sheegtay in Ciidamada Xukuumadda Moscow ay dhowr toddobaad jooggi doonaan dalkaasi.
Qulqulatooyinkan ayaa lagu sheegay kuwoodii ugu xumaa ee ka dhaca dalkan Bartamaha Asia ku yaala, tan iyo intii uu madaxbannaanidiisa qaatay, muddo soddon sano laga jooggo.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com