Iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Puntland iyo ciidan ka amar-qaata Agaasimihii hore ee Hay’adda PSF, General Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso.
Labada dhinac ayuu iska horimaad muddo kooban socday uu ku dhex maray Xerya Cowska Boosaaso, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir.
Taliyaha oo VOA la hadlay ayaa sheegay in hal askari uu ku dhintay iska horimaadkaasi, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.
“Waxaa dhintay hal askari, hal kale oo dhinaca kalena ahna waa dhaawac, goobta wax ka dhaceena waa Xerya Cowska, oo Ciidankii PSF ay horey ula wareegeen.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha oo la weydiiyay waxa isku dhacaan u dhimi karo waan-waantii nabadeed, ee ay wadeen Isimada Puntland ayaa sheegay inuu u maleynayo inaanay wax badan u dhimi doonin.
“Waa la baarayaa, sida ay wax ku dhaceen, lama wada qaadanayo cidda yeelaneysa masuuliyadda, cidda dhinaceeda ay ka timid ayaa qaadaneysa oo loo sinnaan maayo, wax u dhmis-na waxaan oran karaa dadku caqli bay leeyihiin, ma malaynayo wax badan inay u dhimeyso.” Ayuu yiri Taliyuhu.
Ciidamada uu iska horimaadku dhex maray kuwa PSF-ta ayaa la sheegay inay ka amar-qaataan Agaasimaha cusub ee Hay’adda PSF, S/guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.
Iska horimaadkan ayaa imaanaya, xilli ciidan roondo ahaa iyo kuwa PSF-ta uu xalay iska horimaad ku dhex maray agagaarka Laanta Hawada, ka dib markii ciidankaasi ay gacanta ku dhigeen askari ka tirsan PSF-ta, jirdil-na ay u gaysteen.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo 24-kii bishii December ku dhawaaqay xabad joojin ka dhaqan-gasha Magaalada Boosaaso, ka dib dagaalkii saddexda cisho ka socday magaaladaasi ayaa waxaan weli lagu guuleysan in ciidamada la kala qaado.
Inta badan qoysaskii ka barakacay magaalada ayaa dib ugu soo laabtay guryahooda, ka dib baaqii Madaxweynaha ee ahaa inay guryahooda ku soo laabtaan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com