Macluumaad la xiriira Shirka Golaha Wadatashiga oo dib uga bilowday Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta dib uga bilowday Xerada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, xilli Khamiistii uu bilaa natiijo ku soo idlaaday, shirka maalmihii ugu dambeysay Madaxda Soomaalida uga socday Caasimadda Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa xalay Hotel Decale ku yeeshay kulan loogu gogol xaarayay shirka maanta dib uga bilowday magaalada.

Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood ayaa ka horyimid in amniga dalka lagu wareejiyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, waana xilli 1-dii bishii May uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Ra’iisal Wasaaruhu ku wareejiyay arrimaha doorashooyinka iyo weliba amniga dalka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa maalmahaanba ku adkeysanayay, si dalka uga dhacdo doorasho daahfuran ay tahay in amniga dalka looga dambeeyo.

Shirka haatan uga socda Xerada Afisyooni ayaa la soo sheegaya inay uga doodayaan tabashooyinkii laga keenay hufnaan la’aanta Doorashada Golaha Shacabka iyo dib u eegista habraacyada.

Madaxda oo Talaadadii iyo Arbacadii siyaabooyin kala duwan ula kulmay Midowga Musharaxiinta, Ururada Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay inay saxaan khaladaadka hareeyay daahfurnaan la’aanta doorashada.

Tiro kuraas ah oo lagu kala doortay Magaalooyinka Dhuusamareeb, Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa laga keenay cabasho xoog leh, tiiyoo ay iminka ka doodayaan wax ka qabashadeeda.

Iyadoo Madaxda aanay weli xal u helin qodobka la xiriira cidda looga dambaynayo amniga dalka ayaa la soo sheegaya inay guda galeen doodda ku aaddan daahfurnaan la’aanta Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee bishii November dalka ka bilaabatay, waxaana la soo sheegaya inay aad isaga soo dhawaanayaan, sidii loo hagaajin lahaa hufnaan la’aanta doorashada iyo dib u eegista habraacyada.

Ma cadda waxa uu ku dambayn doono doodda weli ka taagan amniga dalka, waxaase jira culeysyo dhinacyada uga imaanaya saaxiibada caalamka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com