Afhayeenka Xukuumadda Somaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ka warbixiyay halka uu marayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socdo Magaalada Muqdisho.
“Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka Soomaaliyeed, maanta oo Sabti ah waxa ay sii wadeen kulamadii ay ka lahaayeen arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka. Shirka maanta sidii caadiga ahayd uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble. Waxaa ka qaybgalay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Afhayeenku.
Waxaa uu sheegay in Madaxdu ay si qoto dheer uga doodayaan ajandayaasha horyaala, oo ay ugu horeeyaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.
“Dhammaan Madaxdu waxa ay si qoto dheer ah ay uga hadlayeen oo u sii wadeen inay ka munaaqashoodaan ajandayaashii horyaalay, ee ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka iyo amniga.” Ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in shirka uu marayo heer geba-gabo ah, Madaxduna ay is faham ka gaareen inta ka badan qodobadii ay ka doodayeen.
“Hadda shirka waxa uu marayaa meel geba-gabo ah, Madaxduna waxa ay is faham buuxa intooda badnaa ay ka gaareen qodobadii ay ka wada hadlayeen ee ajandaha ugu jiray.” Ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Xukuumadda.
Macalimuu ayaa intaasi ku daray “Shirka waxaa la filayaa haddii Eebe idmo in maalmaha foodda inagu soo haya uu soo geba-gaboobo, iyadoo ay ka soo bixi doonaan natiijo wax ku ool ah, waxaana sida muuqata Madaxdu marka aad fiiriso, sida arrimaha saraaxada leh ay uga doodayaan la filayaa in shirkan natiijadiisu ay noqoto mid horseedda doorasho hufan oo dalka ka dhacda, isla-markaana waqti kooban oo la waqtiyadeeyay.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com