Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay U-qaybsanaha Ciidamada Safaaradda Itoobiya ee dalka, General Tadesse Amelo Sieso.
Wasiirka ayaa sheegay inay ka wada hadleen xaaladda guud ee labada dal, hawlgalka AMISOM, qorshaha xilliga kala guurka ee dalka iyo mustaqbalka amniga ee Geeska Afrika.
“Waxaan maanta kulan miro dhal ah la yeeshay wafdi uu hoggaaminaayo U-qaybsanaha Ciidamada Safaaradda Itoobiya ee Somaliya, General Tadesse Amelo Sieso. Waxaana ka wada hadalnay xaaladda guud ee labada dal, hawlgallada AMISOM oo ay Itoobiya qayb ka tahay, qorshaha Kala guurka qaranka (STP) iyo mustaqbalka amniga Gobolka Geeska Afrika.” Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay “Waxaan uga mahadceliyay dadaalada ay ku bixinayaan la dirirka aragigixisada iyo nabadeynta guud.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com