Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta Booliska Galmudug iyo Ciidanka Kumaandooska Gorgor ku dhex maray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Ciidamada Booliska ay is hortaageen kuwa Gorgor, xilli ay dhex socdeen gudaha magaalada, kuna amreen in dib xeryahooda ugu laabtaan.
Arrintan ayaa la fahamsan yahay inay salka ku hayso hawlgalka maandooriye la dirirka ee Ciidamada Booliska ka wadaan Magaalooyinka Galmudug qaarkood.
Ugu yaraan afar qof oo saddex ka mida ay rayid yihiin ayaa ku dhintay dagaalka. Mid ka mida dadka dhintay waxaa la sheegay inay ahayd gabar kalkaaliso ah.
Warsame Maxamed Faarax oo ka mid ah dadka reer Guriceel ayaa inoo sheegay inuu arkay meydka askari ka tirsan Ciidanka Gorgor iyo dhaawaca mid kale.
Warsame Maxamed ayaa sidoo kale yiri “Gabar kalkaaliso ahayd oo lagu magacaabi jiray Yusra Cabdullaahi Axmed iyo wiil kale oo dhallinyaro ahaa oo isna la oran jiray Sadiiq Xaashi Indhabuur ayaa ka mid ah saddexda qof ee rayid ah ee dagaalka ku dhintay.”
Sidoo kale Xildhibaan Xasan Xersi Faafaale oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhaawacmay dagaalkii maanta. Xaaladda Xildhibaanka ayaana ka soo reynaysa.
Saraakiil ka tirsan kuwa militariga ayaa saacado ka dib ku guuleysatay inay kala qaadaan labada ciidan, oo dagaalkoodu uu saamayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii guud ee magaalada.
Talaadadii ayay ahayd markii Booliska Galmudug iyo Kumaandooska Gorgor ay ku dagaalameen Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com