Askari ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed ayaa Sabtidii nin dhallinyaro ahaa ku dilay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Dilka ayaa ka dhacay Waddada Beeraha ee soo gasha magaalada, ka dib markii ninkaasi dhallinyarada ah sida la sheegay uu isku dhejiyay teleefankiisa gacanta, oo askarigu uu doonayay inuu ka dhaco.
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Anfac Nuur Samaan ayaa u geeriyooday rasaas uu askarigaasi kaga dhuftay qaarka kore ee jirkiisa.
Maxamed Keerow Cabdiraxmaan oo ka mid ah dadkii goobtaasi ka ag-dhawaa ayaa yiri “Askariga wuxuu rabay inuu ka dhaco mobile iPhone ah oo uu watay, moobeelkiisii ayuu ku mintiday, laba xabadood ayuu markii dambe uga dhuftay qoorta.”
Maxamed Keerow ayaa intaasi ku daray “Askarigaasi moobeel dartiis ayuu u dilay Anfac Nuur Samaan oo dhallinyarada Magaalada Baydhabo ka mid ahaa.”
Maamulka Degmada Baydhabo iyo Saraakiisha laamaha amniga ayaan ka hadlin dilka ninka dhallinyarada ah, oo ka careysiiyay dadka deegaanka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii askar ka tirsan Ilaalada Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Baydhabo, Cabdifitaax Mahad Cabdiraxmaan ay nin dhallinyaro ahaa ku dileen waddada horumarta Xarunta Dahabshiil ee Magaalada Baydhabo.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com