RW Rooble oo la kulmay Shariif Sheekh Axmed & Xasan Cali Khayre

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

Dhinacyada ayaa ka wada hadlay hirgelinta qodobadii maanta laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, oo ay ka wada hadleen hirgelinta heshiiskii uu maanta gaaray Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta iyo dhameystirka doorashooyinka.”

Ra’iisal Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa soo saaray 18 qodob, oo ku qotoma arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com