Wasiirka Gaashaandhigga oo digniin u jeediyay Ciidamada Dowladda

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa mar kale Ciidanka Xoogga Dalka uga digay inay ku milmaan siyaasadda dalka.

Wasiirka ayaa ciidamada faray inay ku ekaadaan waajibaadkooda qaran, kana fogaadaan inay ku milyaan siyaasadda amaba loo adeegsado.

Wasiirka ayaa waxa uu ciidamada ugu hanjabay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii arrimahaasi lagu helo.

“Iyadoo la dhowrayo shuruucda dalka, waxaan mar labaad Ciidamada Xoogga Dalka (CXD) farayaa inay ku ekaadaan waajibaadkooda qaran, ayna ka fogaadaan inay ku milmaan siyaasadda ama loo adeegsado siyaasadda.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay “Ciddii ku cadaato waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo waafaqsan shuruucda dalka.”

Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaaashaandhigga ayaa hoggaaminaya guddiga uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inay soo baaraan ciddii ka dambeysay dhacdadii 27-kii December ka dhacday Xarunta Madaxtooyada, ee lagu doonayay in shaqadiisa lagu hor istaaggo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com