Madaxweynaha oo caawa khudbad u jeedinaya shacabka Soomaaliyeed

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa goor dhow lagu wadaa inuu jeediyo khudbad uu shacabka uga warbixinayo xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Somaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in khudbadda Madaxweynaha si toos ahi looga daawan doono Warbaahinta.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad ku saabsan xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka u jeedin doona Shacabka Soomaaliyeed. Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si toos ah looga baahin doonnaa Warbaahinta Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Agaasimuhu.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com