Nin askari ahaa oo lagu qisaasay Degmada Luuq (SAWIRRO)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa Ciidanka Daraawiisha Degmada Beled Xaawo oo horey qof shacab ah ugu dilay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) ayaa lagu fuliyay dilka toogashada, oo ah qisaasta Marxuum Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle uu ku dhex dilay Saldhigga Degmada Luuq, falkaas dilka ah ayaa dhacay 3dii bishii Maarso, 2021.

Gaashaanle Maxamed Cabdiqaadir Maxamed, xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in maanta xukun dil ah lagu fuliyay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo 32 sano jir ah, taas oo ah qisaasta Marxuum Sugow Gaarane Ciyow, waxa ayna Qisaasta ka dhacday fagaaraha Barxadda toogashada Luuq Ganaane.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com