Qoorqoor oo isbitaalka ku booqday Xildhibaan Xasan Xersi Faafaale

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo uu wehliyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal ayaa caawa Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho ku booqday Xildhibaan Xasan Xersi Faafaale oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanka ayaa Axaddii ku dhaawacmay dagaalkii Booliska Galmudug iyo Kumaandooska Gorgor ku dhex maray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Xildhibaanka ayaana arrimo caafimaad loogu soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in xaaladda Xildhibaanka ay ka soo reynayso.

“Waxaan caawa aniga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdishu ku booqanay Xildhibaan Xasan Xersi Faafaale oo halkaas lagu dabiibayo. Xildhibaanka waxaan u rajeynaynaa caafimaad taam ah, asagoona xaaladiisa caafimaad ay soo hagaagayso.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qoraalkiisan kaga tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyihii Guutada 13aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cali Maxamed Axmed (Soocadde) iyo Taliyihii Hawlgelinta Qaybta 21aad, G/sare Cabdulqaadir Maxamed Cartan (Gasaawe), oo labaduba u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray dagaalkii deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com