Taliye-yaasha Ciidamada Qalabka Sida oo ku kulmay Muqdisho (SAWIRRO)

Taliye-yaasha Ciidamada Qalabka Sida ayaa galabta kulan muhiim ahaa ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa looga hadlay amniga dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka soo muuqday Taliyaha KMG ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey).

Kulankan ayaa imaanaya, xilli Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu ciidamada kaga digay inay ku milmaan siyaasadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com