Taliye-yaashii lagu dilay Cadakibir oo lagu kala aasay Dhuusamareeb & Cadaado

Taliyihii Guutada 13aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cali Maxamed Axmed (Soocadde) iyo Taliyihii Hawlgelinta Qaybta 21aad, G/sare Cabdulqaadir Maxamed Cartan (Gasaawe) ayaa maanta lagu kala aasay Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Taliyihii Guutada 13aad ayaa lagu aasay Magaalada Cadaado, halka Taliyihii Hawlgelinta Qaybta 21aad lagu aasay Magaalada Dhuusamareeb.

Labada Taliye oo geeridooda ee saacado uun u dhaxeysay ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray dagaalkii xooganaa ee gelinkii dambe ee Axaddii shalay ka dhacay deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiishan ayaa horkaceysay weerar ay Ciidanka Xoogga Dalka ku qaadeen deegaankaasi, wax yar uun ka dib markii ay la wareegeen maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Saraakiishaasi, isagoona sheegay inay u dhinteen difaaca deegaankooda iyo sharafkooduba.

“Allaha u naxariisto Saraakiishaasi, gacan ka xaqdaran baa dishay, waa mujaahidiin u dhintay deegaankooda iyo sharaftooda, waana la aasay.” Ayuu yiri Wasiir Falagle.

Wasiir Falagle ayaa tilmaamay in Saraakiishaasi ay muhiim u ahaayeen Galmudug, isagoona yiri “Waa laba Sarkaal oo aad u muhiim ah bay ahaayeen.”

G/dhexe Soocadde ayaa dhawaan xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Guutada 13aad ee Qaybta 21aad, Gaashaanle Cabdiraxmaan Macalin Maxamuud (Timo-dheere).

Korneyl Gasaawe oo nin dhallinyaro ahaa ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, ee ay Dowladda Federaalka qarameysay bishii July ee sanadkii 2019.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com