Wasiir Jaamac oo kormeeray Xerada Tababarka Midowga Yurub ee Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta kormeeray Xerada Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay General Fabiano Zinzone, oo ah Taliyaha Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Somaliya.

Wasiirka ayaa ka dhageystay warbixin la xiriirta waxyaabihii u qabsoomay taliskaasi, ee ku aaddan tababarada ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka ayaa waxaa hormeerkiisan iyo kulankaba ku wehlinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Maxamed Saciid Samatar (Gacaliye).

Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Somaliya ayaa ah hawlgal lagu tababaro Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoona ay tababaradan bixiyaan Saraakiil ciidan, oo ka kala socda dalalka Midowga Yurub.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com