Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Saraakiil Safaaradda Mareykanka ka tirsan

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Sii Hayaha Safaaradda Mareykanka ee dalka, gabadha lagu magacaabo Colleen Crenwelge.

Wasiirka ayaa kala hadlay horumarinta & dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo weliba la dagaalanka kooxaha argagixisada, sida ay sheegtay Idaacadda Codka Ciidamada.

“Waxay ka wada hadleen horumarinta iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo la dagaalanka argagixisada.”

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wasiirka uu Safaaradda Mareykanka uga warbixiyay halka uu marayo baaritaanka la xiriira dhacdadii 27-kii December ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho, laguna doonayay in lagu horjoogsado shaqada Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa 1-dii bishan guddi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga u magacaabay inay soo baaraan dhacdadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com