Dhaqdhaqaaqyo liddi isku ah oo ka jira Villa Somalia

Kulamo iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda ayaa laga soo sheegaya Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho, xilli uu meeshii ugu sarreysay gaaray khilaafka Madaxda Dowladda.

Khilaafka soo laba kacleeyay daba-yaaqadii bishii December ayaad mooddaa inuu halkiisii ka sii socdo, ka gadaal markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Jimcihii ka soo horjeestay hadalkii Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ahaa in Dowladda Emirate-ka Carabta dib loogu celin doono lacag ay laheyd oo Ciidamada Dowladda ay bishii April ee sanadkii 2018 ku qabteen Garoonka Aadan Cadde.

Ciidamada ayaa xilligaa gacanta ku dhigay lacag ka badneyd 9 milyan oo dollar, oo ay siday diyaarad ka timid dalkaasi. Safaaradda Emirate-ka Carabta ee Muqdisho ayaana lacagtaasi ku sheegtay in loogu talagalay mushaarka Ciidamada Somaliya ee Emirate-ku tababarayay.

Kulamada sida aadka ah uga soconaya labada xafiis ee dalka ugu sarreeya ayaa Villa Somalia laga dareemay, ka dib dooddii adkeyd ee ka dhalatay qodobka amniga, ee looga hadlayay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maalin ka hor lagu soo geba-gabeeyay Caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale dhaqdhaqaaqa ciidan ee laga dareemayo Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa bud-dhig u ah ciidamada lagu arkayo afaafka hore ee labada xafiis, taa oo aysan markii hore ka jirin.

Sarkaal ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada ayaa Universaltv u sheegay in khilaafka Madaxda Dowladda Federaal uu dareen ka abuuray Madaxtooyada.

“Khilaafkan waxa uu soo kordhiyay waxa weeye dareen aan horey uga jirin Madaxtooyada, marka aad fiiriso ciidamada iska soo horjeeda ee horey iyo gadaalba u socda. Waxaad arkaysaa ciidan gelbinaya nin masuul ah oo soo gelaya Madaxtooyada, ka dibna uga sii gudbaya Xafiiska Madaxweynaha ama kan Ra’iisal Wasaaraha.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Waxa kaloo uu yiri “Madaxtooyadu waxay laheyd hal ciidan oo si guud u wada ilaaliya xafiisyada dowladda, haddase waxay yeelatay laba ciidan, dhaqanka noocaas ahna waa mid nagu cusub.”

Axaddii, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ugu baaqay inay xoojiyaan amniga Qasriga Madaxtooyada, inkastoo AMISOM ay haddaba ilaaliso Madaxtooyada, haddana uu dhaqdhaqaaqeedu xadidnaa, sanadihii ugu dambeeyay.

Si kastaba ha-ahaatee xaaladda ka soo korortay Madaxtooyada ayaa noqonayso markii ugu horeysay oo xaalad ceynkaasi oo kala ah laga soo sheego, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya, sanadkii 2000.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com