Bannaanbixii Muqdisho ee Khamiista loo ballansanaa oo dib loo dhigay

Bannaanbixii uu mucaaradku gadaal ka riixayay ee lagu waday in Khamiista berrito lagu qabto Magaalada Muqdisho ayaa dib loo dhigay, illaa waqti aan la garanayn.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka horyimid bannaanbaxan oo la qorsheynayay in lagu qabto Taalada Daljirka Daahsoon, inkastoo taageereyaasha mucaaradka ay warqad ogolaansho ah uga haysteen Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka Amniga ayaa maanta ciidamada ammaanka faray inay illaaliyaan oo suggaan ammaanka bannaanbaxayaasha, si bannaanbax nabdoon uu uga dhaco Caasimadda Muqdisho.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in kulamo saacado badan qaatay ka dib la iska ogolaaday in dib loo dhigo bannaanbaxaasi.

“Maantay kulamo qaatay saacado dheer oo dhex maray Guddiyada Qabanqaabada Bannaanbaxa, Madaxda Golaha Bulshada Gobolka Banaadir oo dhinac ah, Odayaasha Dhaqanka Gobolka Banaadir iyo sidoo kale Midowga Musharaxiinta oo aan xaruntooda kula kulanay, codsi ka kala yimid dhinacyadaas iyo dood dheer ka dib, waxaa la go’aamiyay in bannaanbixiii Khamiista dib loo dhigo, maalinta Axadda ahna kulan Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiyada Qabanqaabada Bannaanbaxa ay dib isugu soo laabtaan, si loo cayimo maalin la isla ogyahay, la isla ogolyahay oo bannaanbax uu dhaco.” Ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi ayaa intaasi ku daray “Dadkayna reer Koonfur uma sahlana in la isla helo arrin lagu kala aragti duwan yahay, laakiin maantay waxaa jiray biseyl dhinacyada oo dhan ah, iyadoo aan ku raja weynahay in odayaashu ay fulin doonaan qaybta uga aaddan go’aanadii galabta la gaaray.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com