Ismiidaamin ka dhacday Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ahaa oo duhurnimadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Nin la socday gaari walxaha laga soo buuxiyay ayaa beegsaday kolonyo gaadiid ah, xilli ay marayeen Waddada 21-ka October ee Degmada Waaberi.

Nin goobjooge ahaa ayaa sheegay in ninkii la socday gaarigii miineysnaa uu ku dhuftay kolonyo kale, oo xilligaa waddada ku socdaaleysay.

Shirkad gaar loo leeyahay oo dhinaca ammaanka ka shaqeysa, oo sida la sheegay ilaalineysay dad ajnabi ah ayaa la sheegay la bartilmaameedsaday.

Shan ka mid ah ilaalada shirkadaasi iyo afar qof oo rayid ah ayaa la sheegay in qaraxaasi ku dhinteen, halka sagaal kalena ay ku dhaawacantay.

Xilliga uu qaraxu dhacayay waxaa la sheegay in mashquul uu ka jiray waddada, isla-markaana ay marayeen gaadiid iyo dadweyne hareeraha waddadaasi lugeynayay.

Muuqaalo laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya gaadiid ku gubtay qaraxaasi iyo tiro dhismooyin ah oo burbur uu ka soo gaaray.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasi ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay beegsadeen kolonyo ay la socdeen Saraakiil Caddaan ah.

Waa weerarkii labaad oo ismiidaamin ah oo sanadkan bilowga ah ka dhaca Caasimadda Muqdisho. Weerarkan midkii ka horeeyay ayuu 1-dii bishan ka dhacay Isgoyska Baar Ubax ee Degmada Howlwadaag.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com