Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta lagu waday inuu gaaro Magaalada Boosaaso ayaa la soo sheegaya in safarkiisa uu u weeciyay dhinaca Magaalada Garoowe.
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Garoowe, ka dib markii ay ka amba-baxeen Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo la filayay in uu qayb ka noqon doono xalka iyo xalinta xil ka qaadistii uu 24-kii bishii November ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda PSF, General Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa la soo sheegayaa saacaddii ugu dambeysay uu baajiyay safarkiisii uu maanta ku teggi lahaa Boosaaso.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni ay u cuntami weyday qodobadii ay xalay soo saareen Isimada Puntland qaarkood, ee ku qotomay dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Boosaaso.
Isimada Puntland oo toddobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Boosaaso ayaa xalay soo saaray dhowr qodob, oo ay u arkayeen xalka dagaalka daba-yaaqadii bishii December ka dhacay magaaladaasi.
Nuxurka qodobadaasi ayaa ahaa:-
In Agaasime Diyaano uu sii ahaado Agaasimaha Hay’adda PSF
In gogol dib-u-heshiisiineed loo dhigo Madaxweynaha iyo Agaasimihii PSF
In dhibkii ka dhacay Boosaaso loo bandhigo Shareecada Islaamka, xukunkeeda
In Puntland ka laabatao heshiiskii ay la gashay Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa Dekedda Boosaaso
In dhaqaalaha ka soo xarooda Dekedda Boosaaso 17% lagu horumariyo magaalada
In Puntland soo celiso hay’adihii caalamiga ee laga raray Boosaaso.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com