Muwaadiniin laga soo celiyay dalka Libya oo Muqdisho soo gaaray

97 qof oo Soomaali ah oo sanadihii ugu dambeysay ku xirnaa xabsiyo ku yaala dalka Libya ayaa maanta dib loogu soo celiyay dalkooda.

Diyaarad siday muwaadiniintan ayaa ka soo degatay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ka dib muddo sanado ah oo ay ku dhibaateysnaayeen dalkaasi.

Soo celintooda ayaa waxaa gacan ka gaystay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Safaaradda Somaliya ee LIbya iyo Hay’adda IOM.

Muwaadiniintan ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ammiga, Farxaan Cali Axmed, Ergayga Gaarka ee Xuquuqda Carruurta Muhaajiriinta ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Maryan Yaasiin iyo Saraakiil ka socotay Hay’adaha IOM & UNHCR ee Somaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ayaa muwaadiniintaasi ku bogaadiyay inay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda.

Caydaruus Haybe Cali oo ka mid ah dhallinyarada dib loogu soo celiyay dalka, Warbaahintana la hadlay ayaa marka hore sheegay inuu ku faraxsan yahay in dalkiisa uu ku soo laabto, waxaana uu tilmaamay in Soomaali fara-badan ay weli ku dhibaateysan tahay dalkaasi Libya.

Caydaruus Haybe ayaa dhallinta ku fekereysa inay tahriibaan ugu yeeray inay ogaadaan in dalkooda wax u dhaama aanu jirin.

“Soomaalida waxaan u sheegayaa in Somaliya mar walba ay qani tahay, waayo maantii anigu Somaliya ka tegayay dalkayga waxaan u haystay dalka ciyaar ciyaar ah, laakiin maanta waxaan ogaaday in aan muwaadin Soomaaliyeed oo dhaba aan ahay. Waxaan u sheegayaa dhallinyarada ku fekeraysa inay tahriibaan ama dalkooda ay ka teggaan waxaan leeyahay dalkiina wax idin dhaama ma jirto.” Ayuu yiri Caydaruus Haybe.

Dhanka kale 43 ka mid ah dhallinyadaasi ayaa duhurnimadii maanta gaaray Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland, halkaas oo deegaan ahaan ay ka soo jeedaan.

Libya waa marinka ugu weyn ee tahriibayaasha Soomaaliyeed uga sii gudbnaan Qaaradda Yurub.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com