Nin arday ahaa oo dil iyo dhacba loogu gaystay Magaalada Muqdisho

Cabdulqaadir Nuur Maxamed Khayre oo ahaa arday wax ka baran jiray Jaamacadda SIU ayaa maanta lagu aasay khabuuro ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka ayaa shalay galab Cabdulqaadir Nuur waxa ay dhac iyo dilba ugu gaysteen xaafadda Soona Key ee Degmada Hodan.

Ciidamada ayaa la sheegay inay waddada u galeen marxuumka, xilli uu ka soo baxay Jaamacadda SIU oo uu wax ka baranayay, waxaana la sheegay inay ka dhaceen teleefankiisii gacan iyo laptop uu sitay.

Marka aad fiiriso waddada lagu dilay marxuumka waxa ay qiyaastii boqol tallaabo u jirtaa Jaamacadda Somaliya, dilkiisa ayaana argagax ku abuuray ardaydii ay wax wada baranayeen.

Cabdulqaadir Nuur oo afar iyo labaatan jir ahaa ayaa la sheegay inuu waxbarashada ku fiicnaa, isla-markaana uu Semester-kii 5aad marayay.

Cabdulqaadir Nuur oo yaraankii qoyska ahaa waxay qoyskiisu dalbadeen in sharciga la horkeeno askartii dishay, oo ay ku eedeynayaan inay ka tirsan yihiin Kumaandooska Gorgor ee Turkiga uu tababaro.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com