Cali Guudlaawe oo booqday Xarunta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo booqasho ku joogga Magaalada Muqdisho ayaa maanta booqday Xarunta Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kula kulmay Safiirka Turkiga ee dalka u joogga, Amb. Mehmet Yilmaz, oo ay ka wada hadleen arrimo dhowra.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, amniga iyo hirgelinta mashaariic horumarineed.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, hirgelinta mashaariicyo horumarineed iyo dhameystirka doorashooyinka dalka.”

Madaxweyne Guudlaawe oo tan iyo 28-kii bishii December ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa dhawaan kaga qaybgalay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, ee looga hadlayay dhameystirka doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com