Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Safiirka Itoobiya ee dalka

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta hoygiisa uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho waxa uu ku qaabilay Safiirka Itoobiya ee u fadhiya dalka, Amb. Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab iyo dardargelinta arrimaha doorashooyinka ee dalka, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle.

Warka ayaa lagu sheegay “Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, gaar ahaan iskaashiga iyo xoojinta hawlgalada ka dhanka ah ururka argagixsada Al Shabaab iyo dardargelinta dhameystirka doorashooyinka dalka.”

Madaxweyne Guudlaawe ayaa Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay Shirka Golaha Wadatashiga ee 9-kii bishan lagu soo geba-gabeeyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com