Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Bari

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Bari, Cabdisamad Yuusuf Maxamed, isagoona soo magacaabay Gudoomiye cusub.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa Cabdirisaaq Cali Siciid loogu soo magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Bari.

Cabdisamad Yuusuf Maxamed oo loo yaqaano (Abwaan) ayaa 11-kii bishii August ee sanadkii hore loo doortay Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Garoowe, waxaana xilka Gudoomiyaha Gobolka Bari uu ku magacawnaa labadii sano ee ugu dambeysay.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa u qorneyd:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 001 ee 13-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Gudoomiyaha Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu la tashaday : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Marku arkay : Tallo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Cali Siciid loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Bari

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com