Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta shir guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada, oo ka qabsoomay Xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa Golihiisa Wasiirada uga warbixiyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Axaddii lagu soo geba-gabeeyay Caasimadda Muqdisho, ee looga hadlayay dardargelinta arrimaha doorashooyinka ee dalka.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay “Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay.
Isagoo ka hadlayay amniga dalka ayuu Ra’iisal Wasaare Rooble faray hay’adaha amnigu in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, isagoo faray laamaha amnigu in aysan ku milmin siyaasadda, xooggoodana isugu geeyaan la dagaallanka argagixisada oo ah cadowga ugu weyn ee dalkeenna hortaagan.
Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay colaadiso dalal ay kala dhexeeyaan dano badan.
Ugu dambayn Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray Wasiirada iyo Madaxda kale ee Hay’adaha Xukuumaddu in aysan ku tagri falin awoodda iyo hantida qaranka, xilligan kala guurka ah.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com