Janaraal ka tirsanaa Booliska Suudaan oo lagu dilay bannaanbaxyada ka socda dalkaasi

Laba qof oo midkood uu rayid yahay, midka kalena uu ahaa Janaraal Booliska Suudaan ka tirsan ayaa la dilay Khamiistii, intii uu socay bannaanbax lagaga soo horjeedo xukunka militariga ee dalkaasi.

Bayaan ka soo baxay Taliska Booliska Suudaan ayaa lagu sheegay in General Ali Barima Hammad la dilay, isagoo ku guda jira howlihiisa shaqo. Bayaanka laguma sheegin qaabka uu u geeriyooday janankaasi.

Sidoo kale Sarkaal u hadlay booliska ayaa sheegay in illaa labaatan askari oo kale ay ku dhaawacmeen dibadbaxyadan ugu dambeeyay.

Kumanaan qof ayaa Khamiistii socod ku soo gaaray aagga Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Khartoum, ciidamada amniga ayaana bannaanbaxayaasha u adeegsaday sunta dadka kaga ilmeysiisa iyo rasaasta nool nool.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in bannaanbaxayaasha ay isku dayeen inay xoog kaga gudbaan barrihii ay ciidamada ammaanka ku sugnaayeen, mararka qaarkood uu jiray isku dhacyo u dhaxeeyay labada dhinac.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo dhaawac uu soo gaaray ayaa la arkayay, iyagoo goobtaasi looga daad-gureynayo dhugdhugley.

Magaalada Bahri, nin ka mid ahaa bannaanbaxayaasha ayaa u geeriyooday rasaas ka haleeshay caloosha, iyadoo tobanaan kalena ay ciidamada amnigu toogasho ku dhaawaceen.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in dad badan oo dhaawacyo qaba lagu daweynayo isbitaalada ku yaala Magaalada Khartoum iyo magaalooyinka kale ee la deriska ah, ka dib markii ay haleeshay rasaastii ay ridayeen xoogaga ammaanka.

Dalka Suudaan ayaa waxaa ka bilowday dibadbaxyo looga soo horjeedo militariga, ka dib markii 25-kii bishii October ay afgembiyeen Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Abdalla Hamdok, inkastoo toddobaadyo ka dib, ay dib ugu soo celiyeen xafiiska.

Ra’iisal Wasaare Hamdok ayaa horaantii bishan xilka iska casilay, ka dib khudbad uu u jeediyay shacabkiisa, isagoona xilligaa yiri “Waxaan go’aansaday inaan ku dhawaaqo is casilaadayda, oo aan meesha u banneeyo rag ama dumar oo ka tirsan dalkan baaxadda weyn, si uu u sii wado ama ay u sii wado hoggaanka dalkayna aan jecelnahay, waxaan isku dayay intii karaankayga ah in aan dalkan ka badbaadiyo masiibo. Dalkan Suudaan maanta waxa uu marayaa xaalad halis ah oo khatar ku ah jirintaankiisa, marka la eeggo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya militariga iyo rayidka qaybta ka ah Maamulka KMG ee dalkan.”

Tan iyo intii ay dibadbaxyadu ka bilowdeen dalkaasi, bishii October ayaa waxaa ku dhintay 64 qof, halka boqolaal kalena ay ciidamadu dhaawaceen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com