Dowladda oo ka xun beegsiga Kenya ku hayso Xarumaha Shirkadda Hormuud

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay weerar dhinaca cirka, oo diyaaradaha dagaalka Kenya u gaysteen xarumo ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kuna kala yaala Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ciidanka Militariga Kenya ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa marar badan duqeeyay xarumaha Hormuud Telecom ku leedahay Gobolada Koonfureed.

War qoraal ah oo caawa ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in Dowladda Somaliya ay baaris rasmi ah ku samayn doonto, waxa keenay duqeymaha soo noqnoqday ee lagu bartilmaameedsanayo shirkadaasi.

Qoraalka ayaa u qornaa “Waxaa na soo gaartay in xarumo ay leedahay Shirkadda Hormuud Telecom oo ku kala yaala Jubbooyinka iyo Gedo la duqeeyay.

Marka hore Dowladda Somaliya waa ka xun tahay fal kasta oo wax lagu yeelayo muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana uga tacsiyadaynaynaa shirkadaasi ganacsi waxyeelada soo gaartay, oo ah mid soo noqnoqotay.

Waxaan xiriir toos ah la samayn doonnaa Ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee Dowladda Somaliya ka caawiya hawlgalada amniga, si aan ula wadaagno dareenkayna, una ogaano sababta.

Dowladda Soomaaliyeed waxay baaris rasmi ah ku samaynaysaa dhacdooyinkan soo noqnoqday ee lagu waxyeelaynayo shacabka Soomaaliyeed.

Waa ku mahadsan yihiin saaxiibada Somaliya ka caawinaya amniga iyo horumarka Somaliya hiigsanayso.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com