Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku doortay Gudoomiye, ka dib markii dhawaan xilka laga qaaday Gudoomiyihii hore ee guddigaasi, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro).
Xubnaha Guddiga ayaa Muuse Geelle Yuusuf u doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.
Muuse Geelle ayaa ku guuleystay 14 cod, 25 xubnood oo wax dooraneysay, isagoona doorashada kaga adkaaday Cabdirixiin Cabdicasiis Aadan oo 11 cod helay.
Labaduba waxay iska soo dhex sharaxeen oo ay ka tirsanaayeen Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com