Qatar oo cambaareysay weerarka lagu dhaawacay Afhayeenka Xukuumadda

Dowladda Qatar ayaa cambaareysay falka isku dayga dilka ah ee maanta uu ku dhaawacmay Afhayeenka Xukuumadda Somaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa ku dhegay daaqadda gaari uu la socday Afhayeenka, xilli uu marayay agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Doha ay si kulul u cambaareynayso falkaasi.

“Dowladda Qatar waxay si kulul u cambaareynaysaa falkii isku dayga dilka ahaa ee lala beegsaday Afhayeenka Dowladda Federaalka Somaliya, kaasi oo lagu dhaawacay, isagoo la socda gaari marayay Caasimadda Muqdisho.” Ayaa lagu sheegay warka.

Warka ayaa lagu yiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku celinaysa mowqifka adag ee Qatar ee ku aaddan diidmada rabshadaha, argagixisada iyo dilalka siyaasadeed, iyadoo aan loo eegin ujeedada iyo sababaha.”

Qatar ayaa waxay ku baaqday in daba-gal lagu sameeyay kuwii soo maleygay dhagartaasi, lana horkeeno sharciga, iyadoo dhanka kalena caafimaad u rajeysay Macalimuu.

Macalimuu ayaa dhaawaciisa lagu dabiibaya isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho, iyadoona ay xaaladiisa ka soo reynayso, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa sheegtay masuuliyadda ismiidaamintan ugu dambeysay ee maanta ka dhacday Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com