Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi ayaa caawa shaaciyay Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada soo dooraneysa 5 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Qoraal ay soo saareen ayaa lagu sheegay “Iyadoo la fulinaya habraacyadii doorashooyinka ee 17-kii September 2020, 1-dii October 2020, 27-kii May 2021, 22-kii August 2021 iyo 9-kii qodob ee uu soo saaray Ra’iisal Wasaaraha 5-tii December 2021 ee la xiriiray daahfurnaanta doorahada Golaha Shacabka ayaa waxaan halka hoose ku soo gudbinaynaa magacyada Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada doorashooyinka kuraastan hoose.”
Kuraastan ayay tirsiyadoodu kala yihiin #HOP243, #HOP206, #HOP246, #HOP240, #HOP238.
Ka dib Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 9-kii bishan lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muuqata in Guddiyada Doorashada ay dardargelinayaan Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Sida ku cad qodobadii ka soo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayay tahay in Doorashada Golaha Shacabka la soo geba-gabeeyo 25-ka bisha soo socota ee February.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com