Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa shaaciyay doorashada 11 kursi, oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
Qoraal saqdii dhexe ee xalay ka soo baxay Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa lagu shaaciyay doorashada 11 kursi, oo doorashadoodu lagu qaban doono Magaalada Jowhar.
“Guddiga Hirgelinta Doorashada Hirshabelle wuxuu shaacinayaa qabashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta doorashada Golaha Shacabka JFS oo taala magaalo madaxda Hirshabelle ee Jowhar.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com