Guddiga Doorashada Puntland ayaa soo saaray doorashada 10 kursi, oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.
Guddiga Doorashada Puntland ayaa jadwal ay soo saareen ku shaaciyay tirsiyada 10 kursi, oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland.
Ka dib Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee toddobaadkii hore lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho waxaa muuqata in Guddiyada Doorashada Dowlad Goboleedyada ay dardargelinayaan Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Sida ku cad qodobadii ka soo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayay tahay in Doorashada Golaha Shacabka la soo geba-gabeeyo 25-ka bisha ina soo aaddan ee February.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com